Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay saqdii dhexe howlgal qorsheysan ka fuliyey degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana lagu dilay toddobo xubnood oo kooxdaasi ka tirsanaa.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in dadka la dilay uu ku jiray horjooge kaalin weyn ku lahaa abaabulka dagaalamayaasha iyo howlgallada Al-Shabaab.
Ciidamada Danab ayaa sidoo kale burburiyey laba xarumood oo la sheegay in kooxda Al-Shabaab u adeegsan jirtay tababar iyo faafinta fikradaha xagjirnimada.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay sheegeen in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan, iyadoo la beegsanayo horjoogayaasha, maleeshiyaadka iyo xarumaha kooxda, ilaa meesha laga saarayo halista Al-Shabaab.
Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya ay kordhiyeen howlgallada militari ee ka socda gobollada Koonfurta iyo Bartamaha dalka, kuwaas oo lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda Al-Shabaab laguna sugo amniga deegaannada ay ku sugan yihiin shacabka Soomaaliyeed.
From the comments