Goobjoog

La-dagaallanka Al-Shabaab

Ciidamada Ammaanka Kenya oo Dilay 11 Xubnood oo looga Shakisan Yahay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab

Ugu yaraan 11 xubnood oo looga shakisan yahay inay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal amni oo ay fuliyeen ciidamada gaarka ah ee Kenya, kuwaas oo taageero ka helayay diyaarado, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanku.

Howlgalkan oo ka dhacay deegaanka ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ee gobolka Mandera ayaa lagu bartilmaameedsaday xero ku-meel-gaar ah oo la sheegay inay ku sugnaayeen ku dhawaad 30 xubnood oo Al-Shabaab ah, kuwaas oo la rumeysan yahay inay qorsheynayeen weerar ka dhan ah mid ka mid ah tuulooyinka xuduudda.

Booliiska Kenya ayaa sheegay in 11 xubnood lagu dilay howlgalka, halka toddobo kale ay dhaawacyo culus soo gaareen. Dagaalyahannadii kale ayaa la sheegay inay u baxsadeen dhinaca Soomaaliya.

Ciidamada ayaa goobta ka helay saddex qori oo nooca PKM ah iyo ku dhawaad 409 xabbo oo rasaas ah, Sidoo kalena waxaa la qabtay waraaqo la sheegay inay yihiin rasiidada canshuurta  ee ay Al-Shabaab qaaddo, kuwaas oo saraakiishu sheegeen inay caddeyn u yihiin nidaamka maamulka, canshuur ururinta iyo ilaha dhaqaale ee kooxda.

Mas’uuliyiintu waxay tilmaameen in dukumiintiyadaasi ay bixiyeen xog cusub oo muujinaysa sida Al-Shabaab u maalgeliso hawlaheeda isla markaana u qorshayso weerarro ka dhan ah gudaha Kenya.

Dowladda Kenya ayaa sanadihii u dambeeyay sare u qaadday ilaalinta xuduudda Soomaaliya, ururinta xogta sirdoonka iyo howlgalada wadajirka ah, iyadoo sheegtay in tallaabooyinkaas ay si weyn u yareeyeen weerarrada Al-Shabaab isla markaana kor u qaadeen amniga iyo dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha ee deegaannada xadka.

Get Goobjoog updates

From the comments