Goobjoog

Guddoomiye Jaamac oo ganaax lacageed ku soo rogay in ka badan 40 Xildhibaan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa mar kale ganaax lacageed ku soo rogay in ka badan 40 Xildhibaan oo aan ka soo xaadirin kulamada…

Guddoomiye Jaamac oo ganaax lacageed ku soo rogay in ka badan 40 Xildhibaan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa mar kale ganaax lacageed ku soo rogay in ka badan 40 Xildhibaan oo aan ka soo xaadirin kulamada Golaha.

Ganaaxa lagu soo rogay Xildhibaanadan ayaa gaaraya $828 dollar, iyadoo tallaabadan lala xiriiriyay maqnaanshaha Xildhibaanada ee kulamada Golaha Shacabka.

Guddoomiye Jaamac ayaa horey uga digay Xildhibaanada ka baaqsada kulamada Baarlamaanka, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay ka soo qeybgalka fadhiyada Golaha.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments