Goobjoog

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku tegay Jabuuti

JABUUTI (Goobjoog News) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyo wafdi xildhibaanno ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda…

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku tegay Jabuuti

JABUUTI (Goobjoog News) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyo wafdi xildhibaanno ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ee Jabuuti ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee dalkaas, Dileita Mohamed Dileita, iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jabuuti.

Booqashada Guddoomiye Jaamac ayaa qaadan doonta afar maalmood, waxaana ay timid kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalka Jabuuti.

Inta uu booqashada ku sugan yahay, waxaa la filayaa in diiradda la saaro xoojinta xiriirka labada baarlamaan, isdhaafsiga khibradaha sharci-dejinta iyo horumarinta iskaashiga Soomaaliya iyo Jabuuti.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments