Muqdisho, 17 Sebtembar 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka toddobaadlaha ah ee 7-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, kaas oo lagu qabtay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.
Guddoomiyaha ayaa kulanka furitaankiisa ku bogaadiyey xubnaha Guddiga Joogtada ah dadaallada ay ku bixinayaan gudashada waajibaadkooda iyo dardargelinta howlaha sharci-dejinta.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu dhageystay warbixin uu soo jeediyey Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), taas oo ku saabsanayd Hindise Sharciyeedyada horyaalla guddiyada Golaha, marxaladaha ay marayaan, waqtiga la qorsheeyey in loo gudbiyo fadhiyada guud iyo caqabadaha u baahan in wax laga qabto.



From the comments