Goobjoog

Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo jadwal u sameeyey kulamada toddobaadka soo socda

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka 5-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, kaas oo ka dhacay xarunta Guddoonka…

Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo jadwal u sameeyey kulamada toddobaadka soo socda

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka 5-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, kaas oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray howlaha sharci-dejinta iyo hindise-sharciyeedyada horyaalla guddiyada Golaha Shacabka, iyadoo xubnaha Guddiga Joogtada ah ay warbixin ka dhageysteen guddiyada kala duwan.
Guddi walba ayaa xubnaha kale la wadaagay shuruucda uu gacanta ku hayo, marxaladaha ay marayaan iyo waqtiga la qorsheynayo in hindise-sharciyeedyadaasi loo gudbiyo Golaha Shacabka si ay u maraan waajibaadkooda dastuuriga ah.

Sidoo kale, Guddiga Joogtada ah ayaa ansixiyey hadal-qoraalka kulankii 4-aad, waxayna jadwal iyo ajande u sameeyeen kulamada guud ee Golaha Shacabka ee toddobaadka soo socda, iyadoo mudnaanta la siinayo howlaha sharci-dejinta iyo arrimaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha.

Ugu dambeyn, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa xubnaha guddiga uga mahadceliyey dadaalkooda, isagoo ku boorriyey inay dardargeliyaan howlaha horyaalla guddiyada si shuruucda ay gacanta ku hayaan loogu gudbiyo Golaha waqtigii loogu talagalay.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments