Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankooda 11-aad ee Kalfadhiga 8-aad, kaas oo uu shir guddoomiyey Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Kulanka ayaa markii hore lagu soo jeediyey in ajendaha lagu daro dood ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka, hase yeeshee kadib cod loo qaaday soo jeedintaas, Xildhibaannadu waxay diideen in ajendaha kulanka lagu daro.
Intaas kadib, Golaha Shacabka ayaa Akhrinta Labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah, kaas oo horey Akhrinta Koowaad loo marsiiyey. Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaannada u soo bandhigay warbixinta ku saabsan Akhrinta Labaad ee hindise sharciyeedka.



From the comments