Goobjoog

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Kulan la Yeeshay Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga ee Golaha Shacabka, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha sharci-dejinta, korjoogteynta iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii guddigu u xoojin lahaa gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday, gaar ahaan kormeerka hay’adaha dowladda ee qaabilsan arrimaha gudaha, amniga iyo socdaalka, si loo horumariyo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo dowlad-wanaagga.

Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa guddiga ku boorriyey inay dardargeliyaan dhammaystirka hindise-sharciyeedyada ay gacanta ku hayaan, si loo horgeeyo Golaha Shacabka loogana sameeyo dood iyo go’aan sharciyeed.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in howlaha guddiga la waafajiyo nidaamka casriyeynta iyo horumarinta shaqada Golaha Shacabka ee dhowaan la hirgeliyey, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu tayeynayo habsami-u-socodka howlaha baarlamaanka.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Golaha Shacabka uu dardargelinayo ka shaqeynta hindise-sharciyeedyada iyo xoojinta doorkiisa ku aaddan la-socodka iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa mas’uulka ka ah amniga iyo maamulka arrimaha gudaha dalka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments