Goobjoog

Arrimaha Ganacsiga

Soomaaliya oo Beijing ka raadineysa maalgashi iyo xoojinta ganacsiga Shiinaha

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Beijing ka wadda dadaallo ay ku doonayso in ay ku ballaariso ganacsiga iyo maalgashiga ay la leedahay Shiinaha, iyadoo la qabtay shir heer sare ah…

Soomaaliya oo Beijing ka raadineysa maalgashi iyo xoojinta ganacsiga Shiinaha

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Beijing ka wadda dadaallo ay ku doonayso in ay ku ballaariso ganacsiga iyo maalgashiga ay la leedahay Shiinaha, iyadoo la qabtay shir heer sare ah oo ay isugu yimaadeen boqolaal ganacsato Soomaali iyo Shiine ah.

Shirkan oo diiradda lagu saaray horumarinta warshadaha iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo bandhigay qorshayaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin kobcinta wax-soo-saarka gudaha, horumarinta kalluumeysiga, beeraha, xoolaha iyo tamarta la cusboonaysiin karo.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale si gaar ah u xustay muhiimadda ay leedahay ka faa’iidaysiga fursadaha ganacsi ee ka dhashay siyaasadda Shiinaha ee canshuur la’aanta dhoofinta dalalka Afrika.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay in dalka uu leeyahay juqraafi istaraatiiji ah oo muhiim ah, kheyraad dabiici ah oo ballaaran iyo shaqaale dhalinyaro ah, taas oo ka dhigaysa meel soo jiidasho leh oo maalgelin lagu sameeyo.

Waxaa sidoo kale madasha lagu soo bandhigay mashruuca weyn ee New Mogadishu Special Economic Zone, kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo warshadaynta, saadka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Ugu dambeyntii, Soomaaliya ayaa rajeynaysa in xiriirka sii kordhaya ee ay la leedahay Shiinaha uu horseedo koboc dhaqaale, shaqo abuur iyo yareynta ku tiirsanaanta wax soo dejinta, iyadoo la hiigsanayo horumar waara oo dalka ka hirgala.

Get Goobjoog updates

From the comments