Goobjoog

Arrimaha Ganacsiga

Qiimaha Dahabka dunida oo si weyn Hoos ugu Dhacay

Suuqyada caalamiga ah ayaa maanta laga diiwaangeliyay hoos u dhac weyn oo ku yimid qiimaha dahabka, iyadoo wakaaladda wararka ee Reuters ay sheegtay in dahabku uu galay khasaarihii ugu weynaa tan iyo bishii Nofeembar 2025.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in qiimaha dahabka ee hal oonsi uu dib uga soo laabtay heerarkii sare ee uu gaaray toddobaadyadii la soo dhaafay, isagoo hadda ka hooseeya $4,000.

Hoos u dhacan ayaa lala xiriirinayaa isbeddellada ka socda suuqyada maaliyadda, kororka kalsoonida maalgashadayaasha iyo dhaq-dhaqaaqyada ku yimid sarifka lacagaha caalamiga ah.

Dahabka ayaa inta badan loo arkaa hab maaliyadeed ammaan ah oo ay maalgashadayaashu lacagahooda dhigtaan marka ay jiraan hubanti la’aan dhaqaale ama xiisado siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee, khubarada dhaqaalaha ayaa sheegaya in isbeddellada cusub ee suuqa ay sababeen in dalabka dahabka uu yaraado, taas oo horseeday hoos u dhaca qiimihiisa.

Get Goobjoog updates

From the comments