Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Shirka Iskaashiga Ganacsiga Dalalka Bariga Afrika oo markii 2aad ay martigelinayso Caasimadda Muqdisho, kaas oo lagaga arrinaanayo isdhexgalka dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee gobolka.
Madaxweynaha ayaa muujiyey qiimaha ay Soomaaliya ugu fadhiso martigelinta shirka, isagoo tilmaamay in ay astaan u tahay kalsoonida iyo doorka cusub ee Soomaaliya ku yeelatay ururka tan iyo markii ay si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika.
“Muqdisho waa magaalo leh taariikh ganacsi iyo isku-xirnaan soo jireen ah. Martigelinta shirkan waxay muujineysaa sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay kaalin muuqata ka qaadato isdhexgalka gobolka iyo horumarinta nabadda iyo ganacsiga Bariga Afrika”.


From the comments