Goobjoog

Arrimaha Ganacsiga

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo shaqo joojin ku dhawaaqay

Waxaa maanta gabi ahaanba xiran oo aan shaqaynayn qeybo muhiim ah oo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, ka dib markii ganacsatadu ay go’aansadeen inay albaabada u laabaan…

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo shaqo joojin ku dhawaaqay

Waxaa maanta gabi ahaanba xiran oo aan shaqaynayn qeybo muhiim ah oo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, ka dib markii ganacsatadu ay go’aansadeen inay albaabada u laabaan goobahooda ganacsi.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii ganacsatadu ay sheegeen inay dhibsadeen canshuur xad-dhaaf ah oo ay dhowaan ku soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taas oo ay ku tilmaameen mid culeys weyn ku ah sii socoshada ganacsiyadooda.

Ganacsato kala duwan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in canshuurta cusub ee lagu soo rogay ay tahay mid ka baxsan awooddooda, ayna horseedi karto in qiimaha maciishadda uu kor u kaco, taas oo saameyn doonta dadka shacabka ah ee awalba la tacaalayay xaalado nololeed.

Waxay tilmaameen in go’aankan uu yahay mid lagu degdegay oo aan lagala tashan guddiyada matala ganacsatada suuqa ugu weyn dalka, taasina ay ku khasabtay inay shaqo joojin sameeyaan si ay u muujiyaan cabashadooda.

Xirnaanshiyaha suuqa ayaa saameyn weyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii ganacsi ee caasimadda, iyadoo dadka dukaameysiga u imaan jiray ay weysan yihiin adeegyadii ay u baahnaayeen.

 Ilaa hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda oo ku aaddan cabashada ka soo yeertay ganacsatada, balse waxaa jira baaqyo loogu baaqayo dowladda inay wada-hadal la gasho ganacsatada si xal looga gaaro ismari-waaga taagan ee curyaamiyay qeybo ka mid ah dhaqaalaha magaalada.

Get Goobjoog updates

From the comments