Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxaa maanta ka taagan buuq iyo dibadbaxyo xooggan oo ay samaynayaan ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Xiisaddan ayaa ka dhalatay ka dib markii ganacsatada lagu amray inay ka guuraan goobihii ay ku ganacsanayeen, taas oo keentay in dadku ay isugu soo baxaan waddooyinka iyagoo muujinaya caradooda.
Ganacsatada ayaa ku doodaya in dhulkaas uu yahay hanti ay iyagu leeyihiin, balse hadda loo adeegsanayo magac dowladeed si looga barakiciyo.


From the comments