Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 sano ayaa galabta sameynaya taariikh cusub, kaddib markii ay markii ugu horreysay abid Soomaaliya ku matalayaan tartan rasmi ah oo kubadda cagta ah.
Gabdhaha Ocean Stars ayaa ciyaarta furitaanka tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee Haweenka (CECAFA U-17 Women’s Championship) kula ciyaari doona xulka martigelinaya tartanka ee Tanzania.
Kulankan oo ka dhacaya magaalada Dar es Salaam ayaa ah mid si weyn isha loogu hayo, maadaama uu calaamad u yahay horumar cusub oo kubadda cagta haweenka Soomaaliyeed gaartay.


From the comments