Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa gaaray dalka Kuwait, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Kuwait, Sheekh Axmed Al-Yuusuf.
Garsoore Cumar ayaa loo doortay inuu dhex-dhexaadiyo kulanka xiisaha leh ee u dhexeeya Kuwait SC iyo Al-Qadsiya, kaas oo la ciyaari doono 29-ka Juun 2026. Ciyaartan ayaa ka tirsan wareegyada ugu dambeeya ee horyaalka Zain Premier League, iyadoo la filayo inay door muhiim ah ka qaadato go’aaminta natiijada xilli ciyaareedka.
Markii uu soo gaaray Kuwait, Garsoore Cumar waxaa si diirran oo rasmi ah u soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya ee Kuwait, Cabdullaahi Maxamed Sheekh, masuuliyiin ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta Kuwait, iyo wakiillo ka socday shirkadda Al Shaayic.


From the comments