Goobjoog

Ugu Yaraan 17 Qof oo ku Dhintay Qarax xooggan oo ka dhacay warshad biraha oo ku taalla Turkiga

Warshad biraha soo saarta oo ku taalla magaalada Aliaga ee gobolka Izmir ee dalka Turkiga ayaa waxaa ka dhacay qarax xooggan oo sababay dhimashada ugu yaraan 17 qof, sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhashay shil ka dhacay qeybta foornada lagu dhalaaliyo biraha, kaddib markii uu go’ay xarigga wiish weyn oo siday bir aad u kulul, taasoo keentay in qiyaastii 120 tan oo bir dareere ah ay ku dul daadato foornada.

Mid ka mid ah shaqaalaha warshadda oo lagu magacaabo Yasin Cetiner, kana hadlay dhacdada, ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in birta kulul ay la kulantay biyaha loo adeegsado qaboojinta qeybaha foornada, taasoo dhalisay falgal sababay qarax xooggan.

Warshadda ay musiibadu ka dhacday oo lagu magacaabo HABAS ayaa ka shaqeysa soo saarista biraha kala duwan, iyadoo qeyb ka mid ah waxyaabaha ay isticmaasho ay yihiin biro duug ah oo dib loo warshadeeyo.

Warshaddan ayaa sanadkii soo saari karta ilaa 1.9 milyan oo tan oo biraha loo adeegsado dhismaha iyo 500 kun oo tan oo silig bir ah.

Dhacdadan ayaa muujineysa khatarta ka dhalan karta cilladaha qalabka culus ee laga isticmaalo warshadaha biraha, halkaas oo heerkulka aadka u sarreeya iyo walxaha dareeraha ah ay sababi karaan shilal masiibo leh.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments