Goobjoog

Rwanda oo Dib loogu Celiyay Nin Mareykanka ku Xirnaa oo lagu Eedeeyay inuu ku Lug lahaa Xasuuqii 1994-kii

Dowladda Rwanda ayaa xaqiijisay in dalkeeda dib loogu soo celiyay Jean Leonard Teganya, oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa xasuuqii ka dhacay Rwanda sanadkii 1994-kii, kaas oo lagu laayay boqolaal kun oo qof.

Rwanda oo Dib loogu Celiyay Nin Mareykanka ku Xirnaa oo lagu Eedeeyay inuu ku Lug lahaa Xasuuqii 1994-kii

Dowladda Rwanda ayaa xaqiijisay in dalkeeda dib loogu soo celiyay Jean Leonard Teganya, oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa xasuuqii ka dhacay Rwanda sanadkii 1994-kii, kaas oo lagu laayay boqolaal kun oo qof.

Ninkan ayaa laga soo masaafuriyay dalka Mareykanka, halkaas oo uu xabsi ugu jiray kaddib markii lagu helay inuu been ka sheegay doorkii lagu tuhmay inuu ku lahaa xasuuqaasi.

Teganya ayaa xilliga xasuuqa ahaa arday caafimaadka ka barta Jaamacadda Qaranka Rwanda, isaga oo tababar caafimaad ka qaadanayay Isbitaalka Jaamacadda Butare,  waxaana lagu eedeeyay inuu xiriir la lahaa xisbigii MRND iyo maleeshiyaadkii Interahamwe, kuwaas oo door weyn ku lahaa xasuuqii loo geystay dadka Tutsiga.

Eedeymaha loo jeediyay ayaa waxaa ka mid ah inuu ka qeyb qaatay dilka dad rayid ah oo gabaad ka dhigtay isbitaalka Butare, iyo kufsiyo loo geystay haween halkaas ku sugnaa, ayadoo Dowladda Rwanda ay sheegtay in falalkaas ay qeyb ka yihiin dambiyada uu wajihi doono marka la horgeeyo maxkamadaha dalka.

Jean Leonard Teganya ayaa sanadkii 2019-kii maxkamad ku taalla Mareykanka ku heshay dambi ah inuu been ka sheegay taariikhdiisa iyo xiriirka lagu tuhmay inuu la lahaa xasuuqii Rwanda, si uu ugu helo magangelyo. Waxaa lagu xukumay 97 bilood oo xabsi ah, hase yeeshee xukunkaasi wuxuu la xiriiray been-abuurka iyo khiyaanada socdaalka, mana ahayn xukun toos ah oo ku saabsan dambiyada xasuuqa.

Dacwad-oogayaasha Rwanda ayaa kiiska Teganya bilaabay sanadkii 2014-kii, iyaga oo doonaya in cadaaladda la horkeeno eedeymaha la xiriira dilalka iyo tacaddiyada galmada ee la sheegay inuu ka geystay magaalada Butare, waxaanaTeganya ay muddo dheer ku maqnaa dibadda, isaga oo soo maray dalal kala duwan ka hor inta uusan gaarin Mareykanka.

Dowladda Rwanda ayaa soo dhaweysay dib u soo celintiisa, iyadoo sheegtay in iskaashiga ay la leedahay Mareykanka uu muhiim u yahay sidii dalka loogu soo celin lahaa dadka lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen dambiyadii xasuuqa, si ay uga jawaabaan eedeymaha loo haysto.

Xasuuqii Rwanda ee sanadkii 1994-kii ayaa socday muddo ku dhow 100 maalmood, waxaana lagu dilay dad lagu qiyaasay 800,000 oo qof, kuwaas oo u badnaa qowmiyadda Tutsiga, iyadoo tan iyo dhammaadkii xasuuqa, dowladda Rwanda iyo hay’adaha caalamiga ah ay wadeen dadaallo lagu raadinayo dadkii lagu tuhunsanaa inay ku lug lahaayeen, si loo horgeeyo cadaaladda.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments