Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in weerar cusub lagu qaaday dhuumaha waaweyn ee shidaalka ee isku xira bariga iyo galbeedka dalkaas, kuwaas oo muhiim u ah dhoofinta shidaalka, xilli uu weli jiro khalkhal ku yimid isu socodka maraakiibta shidaalka ee marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz.
Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA ayaa baahisay in weerarka uu ka dhacay gobolka Madiina ee galbeedka dalka, iyadoo mas’uul ka tirsan Wasaaradda Tamarta uu sheegay in weerarku sababay dab kooban oo markii dambe lagu guuleystay in la damiyo.
Warbixinta ayaa intaas ku dartay in uusan jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarka, isla markaana aanay wax saameyn ah ku yeelan shaqada dhuumaha shidaalka ee la bartilmaameedsaday.




From the comments