Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku faahfaahinayso khasaaraha caafimaad ee ka dhashay dhacdooyinkii amni ee ka dhacay magaalada Muqdisho intii u dhexeysay 3 iyo 4 Juun 2026.
Sida lagu sheegay xogta laga ururiyey isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee caasimadda, tirada dadka ay saameeyeen rabshadahaasi ayaa gaartay:
Dhaawacyo: 55 qof
Dhimasho: 1 qof
Wasaaraddu waxay sheegtay in dhammaan dadka dhaawacyada soo gaaray loo fidiyey adeegyo caafimaad iyo gargaar degdeg ah, iyadoo tacsi u dirtay qoyska iyo ehellada qofka ku geeriyooday dhacdooyinkaasi.
Sidoo kale, Wasaaradda Caafimaadka ayaa bogaadisay shaqaalaha caafimaadka, kooxaha gurmadka degdegga ah iyo xarumaha caafimaadka ee ka qeyb qaatay badbaadinta iyo daaweynta dadka waxyeelladu soo gaartay.
Dhanka kale, wasaaraddu waxay xoojisay muhiimadda ay leedahay in la helo xog sax ah oo la xiriirta khasaaraha bini’aadantinimo, iyadoo warbaahinta iyo hay’adaha kale ugu baaqday inay muujiyaan masuuliyad dheeri ah marka ay faafinayaan wararka ku saabsan dhimashada, dhaawacyada iyo xaaladaha degdegga ah, si looga fogaado xog aan la xaqiijin oo bulshada marin habaabin karta.
From the comments