Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa sheegtay in tirada dadka la xaqiijiyay inay qaadeen cudurka Ebola ay gaartay 1,118 qof, halka 291 qof ay u dhinteen cudurka tan iyo markii uu dillaacay.
Warbixin xaaladeed oo ay Wasaaradda Isgaarsiinta Congo soo saartay Arbacadii ayaa lagu sheegay in tiradaasi ay tahay xaaladaha la xaqiijiyay ilaa Talaadadii la soo dhaafay.
Dowladda iyo hay’adaha caafimaadka ayaa wada dadaallo lagu xakameynayo faafitaanka cudurka, kaas oo wali si degdeg ah ugu fidaya qaybo ka mid ah dalka.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa hore uga digtay in cudurka Ebola uu weli yahay halis weyn, iyadoo shaqaalaha caafimaadka ee ka howlgalaya goobaha uu cudurku ka jiro ay wajahaan caqabado amni iyo kuwo caafimaad.
Dhanka kale, hay’adaha UNICEF iyo Gavi ayaa ku baaqay in la dardargeliyo helitaanka tallaallada lagula tacaalayo nooca Bundibugyo ee Ebola, si loo yareeyo saamaynta cudurka iyo khasaaraha ka dhasha.
Mas’uuliyiinta caafimaadka Congo ayaa shacabka ugu baaqay inay raacaan tilmaamaha caafimaadka, isla markaana si degdeg ah u soo sheegaan kiisaska looga shakiyo cudurka si looga hortago faafitaankiisa.
Ebola waa cudur halis ah oo si fudud ugu gudba taabashada dheecaannada jirka ee qofka cudurka qaba, waxaana uu sababi karaa dhimasho heer sare ah haddii aan si degdeg ah loo daweyn.
From the comments