Tirada dadka u dhintay cudurka Ebola ee ka dillaacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa dhaaftay 5,000 qof, iyadoo in ka badan 10,000 oo qof laga helay cudurka tan iyo markii si rasmi ah loo shaaciyey faafitaankiisa bishii May ee sanadkan.
Xogta dowladda Congo ayaa muujineysa in cudurkan uu noqday kii ugu dhimashada badnaa ee abid dalkaas ka dillaaca, iyadoo mas’uuliyiinta caafimaadku ay weli ku dhibtoonayaan sidii loo xakameyn lahaa faafitaankiisa.
Cudurka Ebola ee hadda socda waxaa sababay nooca loo yaqaan Bundibugyo, kaas oo aan weli lahayn tallaal ama dawo si rasmi ah loogu oggolaaday daaweyntiisa.
Faafitaanka cudurka waxaa sii xoojiyey dib-u-dhaca ku yimaada ogaanshaha dadka uu ku dhacay, colaadaha ka jira qaar ka mid ah deegaannada iyo awoodda kooban ee xarumaha caafimaadka, taas oo adkeysay dadaallada lagu xakameynayo.
Ilaa hadda, cudurku wuxuu gaaray siddeed ka mid ah 26-ka gobol ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, waxaana sidoo kale la xaqiijiyey inuu u gudbay dalal kale oo deris ah.
Toddobaadkii hore, Nigeria ayaa noqotay waddankii afraad ee Afrika ee soo sheega kiis Ebola ah, taas oo muujineysa in faafitaanka cudurku uu gaaray Galbeedka Afrika, ayadoo Kenya iyo Uganda oo ku yaalla Bariga Afrika ay iyaguna xaqiijiyeen kiisas la xiriira cudurka.
Faafitaanka Ebola ee sanadkan ayaa noqday kii labaad ee ugu weynaa taariikhda cudurkan, waxaana ka horreeya oo keliya cudurkii ka dhacay Galbeedka Afrika intii u dhexeysay 2014 ilaa 2016, kaas oo haleelay in ka badan 28,600 oo qof, halka ay u dhinteen in ka badan 11,000.
Dhanka kale, dalal kala duwan ayaa bilaabay tallaabooyin lagu xakameynayo halista faafitaanka cudurka, kuwaas oo ay ka mid yihiin xaddidaadda safarrada iyo karantiilka dadka ka yimaada waddamada uu cudurku saameeyey.
Dowladda Sacuudiga ayaa Jimcihii ku dhawaaqday inay hakisay safarrada iyo gelitaanka dadka ka imanaya Kenya, iyadoo sidoo kale joojisay bixinta dhammaan noocyada fiisooyinka dadka u safraya dalkaas.
Xayiraadda ayaa sidoo kale khuseysa dadka Kenya ka soo gudba dalal kale, haddii ay 21-kii maalmood ee ugu dambeeyey joogeen Kenya ama waddamo kale oo uu Ebola saameeyey.
Sacuudiga ayaa tallaabooyin la mid ah qaaday bishii June, markaas oo uu hakiyey safarrada iyo gelitaanka dadka ka imanaya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Uganda iyo Koonfurta Suudaan.
Xaaladdan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo in cudurka Ebola uu sii ballaariyo saameyntiisa qaaradda Afrika, iyadoo dalalka gobolka ay kordhinayaan dadaallada lagu ilaalinayo caafimaadka bulshada.
From the comments