Goobjoog

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo sheegtay in qof looga shakiyay Ebola uu laba jeer baaritaan looga waayay cudurka

Muqdisho, Oktoobar 25, 2026 – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya ayaa sheegtay in qof Soomaali ah oo karantiil loo geliyay kaddib markii uu xiriir la yeeshay qof qaba cudurka…

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo sheegtay in qof looga shakiyay Ebola uu laba jeer baaritaan looga waayay cudurka

Muqdisho, Oktoobar 25, 2026 – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya ayaa sheegtay in qof Soomaali ah oo karantiil loo geliyay kaddib markii uu xiriir la yeeshay qof qaba cudurka Ebola oo ku geeriyooday dalka Kenya, uu laba jeer baaritaan looga waayay cudurka.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Wasaaradda Caafimaadka iyo Machadka Qaranka ee Caafimaadka Soomaaliya (NIH), ayaa lagu sheegay in qofkaasi la karantiilay 12-kii Oktoobar 2026, kaddib markii la ogaaday inuu xiriir toos ah la yeeshay qof qaba cudurka Ebola oo ku geeriyooday Kenya 5-tii Oktoobar.

Wasaaradda ayaa sheegtay in baaritaankii ugu horreeyay ee qofka laga qaaday 12-kii Oktoobar uu muujiyay natiijo taban, taasoo ka dhigan inaan laga helin fayraska Ebola.

Baaritaan labaad oo la qaaday 19-kii Oktoobar 2026, ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in qofkaasi uusan qabin cudurka.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa intaas ku dartay in qofka uu weli ku jiro karantiil iyo dabagal caafimaad, iyadoo la raacayo muddada 21-ka maalmood ah ee lagu kormeero dadka xiriirka la yeeshay qof qaba Ebola.

Muddada dabagalka ayaa laga soo xisaabiyay 3-dii Oktoobar 2026, oo ah taariikhda ugu dambeysay ee la xiriirta qofka cudurka qaba.

Wasaaradda ayaa sheegtay in iyadoo la tixgelinayo natiijooyinka baaritaannada iyo xaaladda caafimaad ee qofka, aysan jirin wax calaamado ah oo muujinaya inuu cudurka Ebola qabo.

Waxay sidoo kale tilmaantay in xaaladda si dhow loola socdo, isla markaana la qaadayo tallaabooyinka looga hortagayo faafitaanka cudurka, haddii ay dhacdo in xaalad cusub la ogaado.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa shacabka ugu baaqday inay ka fogaadaan faafinta wararka aan la xaqiijin, isla markaana ay xogta caafimaadka ka raadsadaan hay’adaha rasmiga ah.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments