Muqdisho, 26 Oktoobar 2026 – Dr. Maxamed Saciid Xirsi (Xaraf) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Hay’adda Caymiska Caafimaadka Bulshada Soomaaliya, kaddib doorasho ay qabteen Guddiga Maamulka Sare ee hay’adda.
Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ayaa war uu soo saaray ku xaqiijiyey doorashada Dr. Maxamed Saciid Xirsi, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha caafimaadka si loo horumariyo adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliyeed.
Goluhu wuxuu sidoo kale muujiyey diyaar u ahaanshihiisa inuu la shaqeeyo Hay’adda Caymiska Caafimaadka Bulshada Soomaaliya, si loo taageero hirgelinta iyo horumarinta nidaamka caymiska caafimaadka dalka.




From the comments