Muqdisho – Xaalad siyaasadeed oo cusub ayaa ka dhalatay gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii xubnaha Golaha Wasiirrada ee sidoo kale ka tirsan Baarlamaanka Federaalka lagu amray in ay si cad u kala doortaan laba xil oo is khilaafsan.
Xildhibaannada ka tirsan Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre ayaa loo sheegay in aysan sii wadan karin isku haynta xilka wasiirnimo iyo xubinnimada Golaha Shacabka ama Aqalka Sare, taas oo ka hor imaanaysa habraacyada cusub ee dowladnimada.
Go’aankan ayaa la xiriira dhaqangelinta Dastuurka la cusbooneysiiyay ee dhowaan uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, kaas oo si cad u qeexaya kala soocidda awoodaha dowladda iyo waajibaadka mas’uuliyiinta.
Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in dhammaan magacaabista cusub ee lagu sameynayo xilalka dowladda lagu saleeyn doono habraacyada Dastuurka cusub, si loo xoojiyo hufnaanta, isla xisaabtanka iyo nidaamka dowliga ah.
Arrintan ayaa la filayaa in ay saameyn weyn ku yeelato qaab-dhismeedka Xukuumadda iyo Baarlamaanka, iyadoo qaar ka mid ah wasiirrada laga yaabo inay doortaan inay sii hayaan kursigooda Baarlamaanka, halka kuwo kalena ay mudnaan siin doonaan xilalka fulinta.
Inta badan Wasiir ku xigeenada iyo Wasiirdowlayaasha waa Xildhibaanada.
Wasiirrada hadda sida weyn u wajahaya doorashadan waxaa ka mid ah:
Wasaaradda Arrimaha Dibadda: Abdisalam Abdi Ali
Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka: Ali Yusuf Ali (Ali Hosh)
Wasaaradda Maaliyadda: Bihi Iman Egeh
Wasaaradda Amniga Gudaha: Abdullahi Sheikh Ismail (Fartaag)
Wasaaradda Qorshaynta & Horumarinta Dhaqaalaha: Mohamoud Abdirahman (Beenebeene)
Wasaaradda Beeraha & Waraabka: Mohamed Abdi Hayir (Maareeye)
Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada: Dr. Ali Haji Adan
Wasaaradda Dekedaha & Gadiidka Badda: Abdulkadir Mohamed Nur
Wasaaradda Gadiidka Cirka & Duulista Hawada: Mohamed Farah Nuh
Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta: Mohamed Adam Moalim Ali
Wasaaradda Hawlaha Guud & Dib-u-dhiska: Abdisalam Abdi Ali (Dhaay)
Wasaaradda Deegaanka & Isbeddelka Cimilada: Lt. Gen. Bashir Mohamed Jama
Wasaaradda Haweenka & Xuquuqul Insaanka: Khadija Mohamed Almakhzumi
Wasaaradda Biyaha & Tamarta: Abdullahi Bidhan Warsame
Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada: Saalim Ciyow Ibrow
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa: Hassan Hussein Mohamed
From the comments