Goobjoog

Baarlamaanka 11aad

Dalka ayaa Ku-sime Madaxweyne ka ah ma Sacdiyo Mise Cabdi Xaashi?

Waxaa maanta si weyn loo hadal hayay su’aal sharci iyo siyaasadeedba xambaarsan oo ku saabsan cidda noqon karta Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya haddii Madaxweynaha dalka uu maqnaado ama uu…

Dalka ayaa Ku-sime Madaxweyne ka ah ma Sacdiyo Mise Cabdi Xaashi?

Waxaa maanta si weyn loo hadal hayay su’aal sharci iyo siyaasadeedba xambaarsan oo ku saabsan cidda noqon karta Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya haddii Madaxweynaha dalka uu maqnaado ama uu waayo awooddii uu xilkiisa ku gudan lahaa.

Dooddan ayaa sii xoogaysatay kaddib markii Guddoomiyihii Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) uu shaqada ka tegay, halka xilkaas ay si ku-meel-gaar ah u sii hayso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa weli haya xilkiisii.

Dad badan ayaa aaminsanaa in Sacdiyo Yaasiin ay si toos ah u noqonayso Ku-simaha Madaxweynaha maadaama ay hadda sii hayso xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Balse qodobada ku jira dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa arrintaas si ka duwan u dhigaya.

Qodobka 114-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qeexaya in haddii Madaxweynaha dalka uu maqnaado ama uu gudan waayo xilkiisa, Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu si ku-meel-gaar ah u qabanayo xilka Madaxweynaha. Hase yeeshee, haddii Guddoomiyaha Golaha Shacabkuna uusan joogin ama uusan awoodin gudashada xilkaas, Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa noqonaya Ku-simaha Madaxweynaha.

Qodobkaasi wuxuu sidoo kale tilmaamayaa in marka Guddoomiyaha Golaha Shacabku noqdo Ku-simaha Madaxweynaha, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad uu si ku-meel-gaar ah u sii hayo xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Taas macnaheedu waa in Ku-xigeenka Guddoomiyaha Golaha Shacabka aanu si toos ah u dhaxlin xilka Ku-simaha Madaxweynaha.

Sidaa darteed, marka loo eego dastuurka cusub, haddii Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabkuba aysan xilka gudan karin, xilka Ku-simaha Madaxweynaha waxaa si toos ah ula wareegaya Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, halka Sacdiyo Yaasiin ay sii haynayso xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Arrintan ayaa meesha ka saaraysa jahwareerkii ka dhashay fasiraadaha kala duwan ee dastuurkii 2012, kaas oo la ansixiyay xilli aanu jirin Aqalka Sare.

Dastuurka cusub ayaa si cad u qeexay kaalinta Aqalka Sare iyo sida loo kala wareegayo xilka ugu sarreeya dalka marka ay dhacaan duruufo gaar ah.

Ugu dambayn, inkasta oo dood siyaasadeed ay weli ka taagan tahay sharciyadda iyo hirgelinta qaar ka mid ah wax-ka-beddellada dastuuriga ah, haddana qoraalka dastuurka cusub wuxuu si aan mugdi ku jirin u tilmaamayaa in Guddoomiyaha Aqalka Sare uu noqonayo Ku-simaha Madaxweynaha marka Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabku aanay xilka gudan karin.

Haddii lagu dhaqmo dastuurka cusub ee Soomaaliya, jawaabta su’aasha ah “Dalka yaa ka ah Ku-simaha Madaxweynaha: Sacdiyo mise Cabdi Xaashi?” waxay noqonaysaa Cabdi Xaashi, marka ay bannaanaato ama maqnaato xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Get Goobjoog updates

From the comments