Goobjoog

Baarlamaanka 11aad

Muddo-xileedka Baarlamaanka Soomaaliya oo dhammaaday, xilli Madaxtooyada hal bil u hartay

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 11-aad ayaa maanta si rasmi ah u dhammeystay muddo-xileedkii afarta sano ee loo doortay, arrintaas oo dhalisay doodo siyaasadeed oo dalku uu ku jiro marxalad xasaasi ah.

Baarlamaanka uu waqtigiisu idlaaday, ayaa dhawaan meelmarisay dastuur wax ka beddel lagu sameeyay, kaas oo dhigaya in muddo-xileedka hay’adaha dowladda laga dhigo shan sano, tillaabadaas oo ay si weyn diidmo uga muujiyeen mucaaradka iyo dawlad goboleedyada qaarkood.

Dowladda Federaalka ayaa u muuqata inay sii wadayso qorshaheeda ku aaddan qabashada doorasho qof iyo cod ah, ayadoo dastuurku uu qabo in Baarlamaanku uu shaqada sii wadayo ilaa helo Baarlamaanka kale oo badela.

Doorashada Soomaaliya ayaa waqtigeeda dhaaftay labadii muddo xileed ee la soo dhaafay, balse haatan dowladdu waxay waddaa qorshe ku aaddan qabashada doorasho qof iyo cod ah, taas oo haddii lagu guulaysto noqan doonta tillaabo wax weyn ka badelaysa hannaanka geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.

Get Goobjoog updates

From the comments