Goobjoog

Soomaaliya oo Shirka Kuuriya iyo Afrika ku Soo Bandhigtay Himiladeeda Dhaqaalaha Dijitaalka ah

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka 8-aad ee Kuuriya iyo Afrika, kaas oo ka dhacay magaalada Seoul ee caasimadda…

Soomaaliya oo Shirka Kuuriya iyo Afrika ku Soo Bandhigtay Himiladeeda Dhaqaalaha Dijitaalka ah

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka 8-aad ee Kuuriya iyo Afrika, kaas oo ka dhacay magaalada Seoul ee caasimadda Koonfur Kuuriya.

Shirka sanadkan ayaa hal-ku-dhig looga dhigay “Ka Faa’iidaysiga Garaadka Macmalka ah (AI) iyadoo loo adeegsanayo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha si loo dardargeliyo isbeddelka Afrika.”

Madasha ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirrada Maaliyadda ee dalal badan oo Afrika ah, iyadoo diiradda lagu saaray sidii tiknoolajiyadda casriga ah, gaar ahaan Garaadka Macmalka ah, looga faa’iideysan lahaa horumarinta dhaqaalaha iyo kaabeyaasha dalalka Afrika.

Wasiir Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in ay muhiim tahay in hamiga Afrika uusan ku koobnaan oo keliya qaadashada tiknoolajiyadda AI, balse loo baahan yahay in si wadajir ah loo dhiso kaabeyaasha muhiimka u ah kobaca dhaqaalaha.

Waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay horumarinta tamarta, shabakadaha fiber-optic-ka, xogta iyo awood dhaqaale oo ku dhisan isla-xisaabtan, kuwaas oo door weyn ka qaadan kara dardargelinta horumarka iyo kobaca dhaqaalaha Afrika.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya, oo ku taalla goob istiraatiiji ah, ay leedahay dhaqaale dijitaal ah oo si xawli ah u kobcaya, isla markaana dalka uu haatan haysto fursado uu ugu noqon karo albaab dijitaal ah oo Afrika u furma.

Mudane Biixi Imaan Cige ayaa adkeeyay muhiimadda is-dhexgalka gobolka, isagoo xusay doorka Madasha Iskaashiga Geeska Afrika (HoAI) ee lagu horumarin karo iskaashiga dhaqaale iyo isku-xirka dalalka Geeska Afrika.

Shirka Kuuriya iyo Afrika ee sanadkan ayaa sidoo kale lagu xusayaa 20 sano guuradii kasoo wareegtay markii la aasaasay madashan sanadkii 2006-dii.

Madasha KOAFEC ayaa muddo labaatan sano ah noqotay goob muhiim ah oo lagu xoojiyo iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Koonfur Kuuriya iyo dalalka Afrika, iyadoo isu keenta dowladaha, ganacsatada iyo hay’adaha horumarinta dhaqaalaha.

Kulamada madashan ayaa ujeedkoodu yahay in dhinacyadu is dhaafsadaan fikrado, dhistaan iskaashi iyo xiriir dhaqaale, isla markaana ay wada raadiyaan fursado cusub oo horseedi kara horumar iyo kobac dhaqaale oo waara.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments