MUQDISHO, 26 Oktoobar 2026 – Bangiga Adduunka ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay xoojiso ururinta dakhliga gudaha, si ay u maalgeliso adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, xilli ay sii yaraanayaan taageerada dhaqaale ee dibadda.
Bangiga ayaa sheegay in dakhliga gudaha ee Soomaaliya uu sannadkii 2025 gaaray qiyaastii 6.3 boqolkiiba wax-soo-saarka guud ee dalka, marka loo eego 6.2 boqolkiiba sannadkii 2024. Si kastaba, dakhliga dowladda ayaa weli aad uga hooseeya celceliska dalalka la midka ah, kaasoo u dhexeeya 15 ilaa 17 boqolkiiba wax-soo-saarka guud.
Warbixinta Bangiga Adduunka ee dib-u-eegista maaliyadda dowladda Soomaaliya, oo cinwaankeedu yahay Marxaladda Xigta ee Maaliyadda Dowladda, ayaa tilmaamaysa in dakhliga gudaha uu yahay caqabadda ugu weyn ee maaliyadeed ee dalka, maadaama uusan hadda ku filnayn maalgelinta adeegyada dowladda iyo baahiyaha horumarineed.
Hideki Matsunaga, oo ah maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya horumar weyn ka sameysay dib-u-dhiska hay’adaha maaliyadeed iyo maamulka dhaqaalaha, iyadoo ay jiraan duruufo adag.
Wuxuu xusay in marxaladda xigta ay tahay in horumarkaasi loo beddelo dakhli gudaha oo xooggan, kharashaad dowladeed oo waxtar leh iyo adeegyo wanaagsan oo ay shacabka helaan, iyadoo la ilaalinayo xasilloonida maaliyadeed.
Bangiga ayaa sheegay in caqabadda maalgelinta ay sii xoogeysaneyso, iyadoo Soomaaliya ay wajahayo saboolnimo baahsan, baahiyo waaweyn oo ka jira kaabayaasha dhaqaalaha iyo cadaadis sii kordhaya oo ku saabsan kharashaadka amniga.
Sidoo kale, dakhliga gudaha iyo kharashaadka dowladda ee caafimaadka iyo waxbarashada ayaa weli ka mid ah kuwa ugu hooseeya caalamka.
Soomaaliya ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay horumar ka sameysay dib-u-dhiska hay’adaha maaliyadeed, xasillinta dhaqaalaha iyo hagaajinta maamulka maaliyadda dowladda. Dalka ayaa sidoo kale gaaray heerkii ugu dambeeyay ee barnaamijka dalalka deymaha badan lagu leeyahay ee HIPC, kaasoo gacan ka geystay dhimista deynta.
Hase yeeshee, Bangiga Adduunka ayaa sheegay in hoos u dhaca taageerada dibadda uu sii kordhiyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya dhisto saldhig dhaqaale oo gudaha ah.
Bangiga ayaa soo jeediyay in la xoojiyo maamulka kastamyada, la casriyeeyo shuruucda maaliyadeed, la hagaajiyo u hoggaansanaanta canshuuraha, la ballaariyo dadka iyo ganacsiyada canshuuraha bixiya, lana horumariyo nidaamyada dijitaalka ah ee lagu ururiyo dakhliga dowladda.
Waxaa sidoo kale lagu baaqay in la hagaajiyo waxtarka kharashaadka dowladda, la xoojiyo isla-xisaabtanka iyo in si wanaagsan loo maareeyo khataraha maaliyadeed iyo deymaha.
Bangiga ayaa tilmaamay in wada-shaqeyn dhex marta dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo maamullada hoose ay muhiim u tahay kordhinta dakhliga iyo gaarsiinta adeegyada bulshada.
Dowladda federaalka ayaa ururisa qiyaastii 71 boqolkiiba dakhliga gudaha, halka dowlad-goboleedyada iyo maamullada hoose ay door muhiim ah ku leeyihiin bixinta adeegyada bulshada.
Bangiga Adduunka ayaa sheegay in nidaam maaliyadeed oo dowladaha kala duwan si wanaagsan uga wada shaqeeyaan uu muhiim u yahay xaqiijinta adeegyo loo siman yahay, ballaarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta awoodda maamul ee dalka.
From the comments