Muqdisho (Goobjoog News) — Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan, ayaa kulan la yeeshay Danjiraha cusub ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, kaas oo looga hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada kalluumaysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee ka faa’iidaysiga kheyraadka badda Soomaaliya.
Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa kulanka ku soo bandhigay muhiimadda ay leedahay horumarinta kalluumaysiga iyo maalgashiga kheyraadka badda, si kor loogu qaado wax-soo-saarka dalka, loo abuuro fursado shaqo, loona kobciyo dhaqaalaha buluugga ah.




From the comments