Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah ee IFC ayaa Soomaaliya ka bilowday maalgelinteedii ugu horreysay, iyadoo $2.8 milyan oo maalgelin waafaqsan mabaadi’da maaliyadda Islaamiga ah u qoondeysay KIMS Microfinance.
Maalgelintan ayaa ka kooban $1 milyan oo ay bixisay IFC iyo $1.8 milyan oo ay bixiyeen AtoZ Foundation iyo Symbiotics, iyadoo dammaanad qayb ah laga helayo IDA20 Private Sector Window.
KIMS Microfinance ayaa qorsheynaysa in ay kordhiso tirada dadka ay adeegyada maaliyadeed siiso, iyadoo macaamiisheeda amaahda qaata oo hadda lagu qiyaasay 5,200 la doonayo in laga dhigo 10,000 marka la gaaro 2028.



From the comments