Baraawe, 2 November 2026 – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa magaalada ku soo dhoweeyay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo kulammo la yeeshay saraakiisha iyo hoggaanka ciidamada ku sugan Baraawe.
Intii uu kormeerka ku guda jiray, Taliyaha ayaa ciidamada kala hadlay muhiimadda ay leedahay gudashada waajibaadka qaran, adkeynta heeganka iyo ilaalinta amniga. Waxa uu sidoo kale saraakiisha ka dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda amni ee magaalada Baraawe iyo deegaannada ku xeeran, iyo howlaha ay ciidamadu ka wadaan halkaas.




From the comments