Goobjoog

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Baraawe kulamo amni ka yeeshay, xilli xiisadda Koonfur Galbeed ay sii kordhayso

Baraawe – 3 Nofeembar 2026: Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulamo ku saabsan xaaladda amniga degmada Baraawe la yeeshay saraakiisha ciidanka, saraakiil ka tirsan…

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Baraawe kulamo amni ka yeeshay, xilli xiisadda Koonfur Galbeed ay sii kordhayso

Baraawe – 3 Nofeembar 2026: Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulamo ku saabsan xaaladda amniga degmada Baraawe la yeeshay saraakiisha ciidanka, saraakiil ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, odayaasha dhaqanka, maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amni ee Baraawe iyo deegaannada ku xeeran, xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada amniga iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida magaalada.

Taliyaha ayaa saraakiisha ka dhageystay warbixinno la xiriira howlaha amniga, isagoo ciidamada faray inay gutaan waajibaadkooda qaran, isla markaana xoojiyaan dadaallada ka hortagga Al-Shabaab.

Booqashada Taliyaha ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyada milatari ee ka socda deegaannada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo u dhexeeya dhinacyada taageersan hoggaanka cusub ee Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo xoogagga daacadda u ah madaxweynihii hore Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Maalmihii la soo dhaafay waxaa soo baxay warar sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay laba urur oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor geysay Baraawe.

Sida ay hore u baahisay Goobjoog, tallaabadan ayaa timid xilli ay jireen warar sheegaya qorshe la xiriira in Laftagareen uu magaalada ka sameysto saldhig siyaasadeed iyo mid maamul, inkastoo dowladda aysan si rasmi ah u faahfaahin sababta ciidanka loo geeyay.

Baraawe ayaa leh muhiimad gaar ah oo siyaasadeed iyo maamul, maadaama ay tahay caasimadda rasmiga ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, halka Baydhabo ay tahay xarunta uu hadda ka shaqeeyo maamulka uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Madoobe.

Dhinaca kale, iska horimaadyada ka socda gobolka Bay ayaa sababay in xoogagga taabacsan Laftagareen ay la wareegaan deegaanno iyo degmooyin dhowr ah, taas oo khilaafkii siyaasadeed u beddeshay loollan dhuleed iyo mid ciidan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kulamadiisa Baraawe ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda ciidanka, maamulka iyo bulshada, isagoo sheegay in mudnaanta koowaad ay tahay ilaalinta shacabka iyo sugidda amniga.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments