Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi, ayaa magaalada Ankara kulan kula yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga, Jeneraal Metin Tokel, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga milatari ee labada dal.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta labada ciidan, korna loogu qaadi lahaa awoodda iyo cududda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada tababarka, qalabeynta iyo horumarinta xirfadaha ciidamada.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga iyo ciidankeeda taageerada ay siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu si gaar ah u bogaadiyay kaalinta Turkigu ku leeyahay tababarka iyo qalabeynta ciidamada, gaar ahaan cutubka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor.




From the comments