Goobjoog

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Gaadiidka Badda

Danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Sacuudi Carabiya, Maxamed Amiin Sheekh Cismaan, ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda Guud ee Gaadiidka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Injineer Fawaaz Al-Suhli, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga gaadiid ee labada dal.

Kulanka oo ka dhacay dalka Sacuudiga ayaa labada masuul ay kaga wada hadleen sidii loo horumarin lahaa wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Sacuudiga, gaar ahaan isku socodka gaadiidka badda, iyo sidii loo abuuri lahaa fursado lagu sii xoojin karo xiriirka dhinaca gaadiidka iyo isu-socodka labada dal.

Danjiraha Maxamed Amiin Sheekh Cismaan iyo Injineer Fawaaz Al-Suhli ayaa sidoo kale isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo iskaashiga hay’adaha ka shaqeeya gaadiidka, si loo horumariyo adeegyada iyo isku-xirka gaadiid ee labada waddan.

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya ayaa leh xiriir diblomaasiyadeed iyo mid ganacsi oo soo jireen ah, iyadoo iskaashiga dhinaca gaadiidka badda uu muhiim u yahay isu-socodka badeecadaha, ganacsiga iyo isku-xirka dekedaha labada dal.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee Safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga ay ku doonayso in lagu ballaariyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo gaadiidka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments