Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u diray qoyska, ehelka, asxaabta iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Axmed Maxamed, oo loo yaqaanay Axmed Tiir.
Madaxweynaha ayaa sheegay in marxuumku uu ka mid ahaa aqoonyahannada Soomaaliyeed ee muddada dheer kaalin muuqata ka soo qaatay horumarinta bulshada, dib-u-heshiisiinta iyo garab istaagga dadka danyarta ah.
Waxa uu tilmaamay in Sheekh Axmed Maxamed uu naftiisa iyo aqoontiisa u huray u adeegidda bulshada Soomaaliyeed, isaga oo xusay kaalintii uu ku lahaa arrimaha bulshada.




From the comments