Goobjoog

Sadaq Joon Oo Loo Magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya

Mudane Sadaq Cumar Xasan, oo loo yaqaan Saadaq Joon, ayaa noqday Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isagoo horay usoo qabtay xilal kala duwan oo la xiriira amniga iyo hoggaaminta…

Sadaq Joon Oo Loo Magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya

Mudane Sadaq Cumar Xasan, oo loo yaqaan Saadaq Joon, ayaa noqday Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isagoo horay usoo qabtay xilal kala duwan oo la xiriira amniga iyo hoggaaminta hay’adaha ammaanka.

Sadaq Cumar Xasan ayaa leh khibrad dhinaca amniga ah, waxaana xilalkii uu horey usoo qabtay ka mid ah Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda Galmudug, Taliyaha Nabadsugidda Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.

Wuxuu sidoo kale ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kahor magacaabistiisa cusub ee Wasiirka Gaashaandhigga.

Magacaabista Saadaq Joon ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka qaadato hoggaaminta Wasaaradda Gaashaandhigga, xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo amniga dalka, dib-u-habeynta ciidamada iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada.

Saadaq Joon ayaa sidoo kale hore uga soo shaqeeyay hay’adaha amniga ee heer dowlad-goboleed iyo heer federaal, taas oo ka dhigtay shaqsi leh waayo-aragnimo dhinacyada amniga, booliska iyo siyaasadda.

Xilkaan ayaa laga qaaday Mudane Axmed Macalin Fiqi oo Afartii sano ee lasoo dhaafay Xukuumadda ka tirsanaa.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments