Goobjoog

Mareykanka iyo Qatar oo Soomaaliya Ku Daray Ajandaha Wada-hadalladooda Istaraatiijiga ah

WASHINGTON (Goobjoog News) – Mareykanka iyo Qatar ayaa Soomaaliya ku daray qodobada ay ka wada hadleen shirkii siddeedaad ee Wada-hadalka Istaraatiijiga ah ee labada dal, kaas oo 23-kii Nofeembar 2026…

Mareykanka iyo Qatar oo Soomaaliya Ku Daray Ajandaha Wada-hadalladooda Istaraatiijiga ah

WASHINGTON (Goobjoog News) – Mareykanka iyo Qatar ayaa Soomaaliya ku daray qodobada ay ka wada hadleen shirkii siddeedaad ee Wada-hadalka Istaraatiijiga ah ee labada dal, kaas oo 23-kii Nofeembar 2026 ka dhacay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Kulanka waxaa guddoomiyey Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, iyo Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay iskaashiga difaaca, amniga, ganacsiga, maalgashiga iyo arrimo kale oo caalami ah.

Bayaanka wadajirka ah ee kulanka ayaa Soomaaliya ku daray dalalka ay Mareykanka iyo Qatar ka leeyihiin mudnaano siyaasadeed oo ay wadaagaan, iyadoo sidoo kale liiska lagu xusay Gaza, Iran, Syria, Lebanon, Afghanistan iyo dalal kale.

Ku darista Soomaaliya ajandaha wada-hadallada labada dal ayaa muujinaysa muhiimadda ay Washington iyo Doha siinayaan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya. Arrintan waxay dalka u abuuri kartaa fursado cusub oo la xiriira xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo maalgashiga dhaqaalaha.

Sidoo kale, iskaashiga labada dal wuxuu mustaqbalka Soomaaliya u horseedi karaa taageero siyaasadeed oo ku saabsan ilaalinta madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo danaha qaranka, maadaama Mareykanka iyo Qatar ay labaduba xiriir muhiim ah la leeyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hase yeeshee, bayaanka laguma faahfaahin qodobka Soomaaliya, mana lagu shaacin heshiis cusub ama qorshe gaar ah oo dalka khuseeya. Saameynta dhabta ah ee arrintan waxay ku xirnaan doontaa tallaabooyinka diblomaasiyadeed iyo heshiisyada mustaqbalka ee labada dal ay ka qaadaan arrimaha Soomaaliya.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments