Goobjoog

Trump Soomaalida ayaa la Wareegay gobolka Minnesota

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota, isaga oo ku eedeeyay inay si buuxda ula wareegeen gobolka, isla markaana sheegay in 95% Soomaalida halkaas ku nool ay ku tiirsan yihiin kaalmada dowladda Mareykanka.

Trump Soomaalida ayaa la Wareegay gobolka Minnesota
WASHINGTON, DC – APRIL 24: U.S. President Donald Trump talks to reporters during a meeting with Norway’s Prime Minister Jonas Gahr Store in the Oval Office at the White House on April 24, 2025 in Washington, DC. The leaders are expected to discuss security, trade, NATO and the war in Ukraine. (Photo by Chip Somodevilla/Getty Images)

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota, isaga oo ku eedeeyay inay si buuxda ula wareegeen gobolka, isla markaana sheegay in 95% Soomaalida halkaas ku nool ay ku tiirsan yihiin kaalmada dowladda Mareykanka.

Trump ayaa hadalkan ku sheegay qoraal uu baahiyay, isaga oo yiri: “Soomaalidu waxa ay si buuxda ula wareegeen gobolka Minnesota, 95%-na waxay ku nool yihiin caydheenna, taas oo ah caawimaadda dowladda.”

Minnesota ayaa hoy u ah bulshada Soomaaliyeed ee ugu badan Mareykanka, gaar ahaan magaalada Minneapolis, halkaas oo Soomaalidu ay muddooyinkii dambe si weyn uga dhex muuqdeen ganacsiga, waxbarashada, siyaasadda iyo adeegyada bulshada.

Soomaalida ku nool gobolkaas ayaa sidoo kale kaalin muuqata ku leh siyaasadda Mareykanka, iyaga oo qaarkood qabtay xilal kala duwan oo heer deegaan iyo heer federaal ah.

Sheegashada Trump ee ah in 95% Soomaalida Minnesota ay ku tiirsan yihiin kaalmada dowladda ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan saxnaanta tiradaas.

Xogaha laga helay tirakoobka gobolka ayaa muujinaya in qayb ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ay hesho adeegyo kaalmo dowladeed, sida caymiska caafimaadka Medicaid iyo kaalmada cuntada SNAP, balse helitaanka adeegyadaasi macnaheedu ma aha in qofku shaqo la’aan yahay ama uusan lahayn ilo kale oo dhaqaale.

Hadalkan Trump ayaa kusoo beegmaya xilli uu marar kala duwan dhaliilo u jeediyay Soomaalida Mareykanka, gaar ahaan bulshada ku nool Minnesota, taas oo dhalisay walaac iyo dood ku saabsan hadallada siyaasadeed ee ka dhanka ah muhaajiriinta iyo saameynta ay ku yeelan karaan bulshooyinka laga tirada badan yahay.

Dhanka kale, bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota ayaa muddo dheer dhisatay ganacsiyo, xarumo waxbarasho iyo ururro bulsho, iyaga oo qayb ka noqday horumarka gobolka iyo nolosha guud ee Mareykanka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments