Goobjoog

Madaxweynihii Hore ee Hirshabeelle Cali Cosoble oo Geeriyooday

Allaha u Naxariistee madaxweynihii ugu horreeyay ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa la xaqiijiyay inuu saacado ka hor geeriyooday kaddib xanuun uu muddooyinkii dambe la tacaalayay, sida ay xaqiijiyeen ehelladiisu.

Madaxweynihii Hore ee Hirshabeelle Cali Cosoble oo Geeriyooday

Allaha u Naxariistee madaxweynihii ugu horreeyay ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa la xaqiijiyay inuu saacado ka hor  geeriyooday kaddib xanuun uu muddooyinkii dambe la tacaalayay, sida ay xaqiijiyeen ehelladiisu.

Marxuum Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee door muuqda ku lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka, gaar ahaan aasaaskii dowlad-goboleedka Hirshabeelle oo la dhisay sannadkii 2016-kii, kaddib markii la mideeyay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa 17-kii Oktoobar 2016 loo doortay madaxweynihii ugu horreeyay ee Hirshabeelle, xilli maamulkaasi uu ku jiray marxaladihii ugu horreeyay ee dhismaha hay’adihiisa dowladeed.

Intii uu xilka hayay, wuxuu hoggaaminayay dhismaha hay’adaha maamulka iyo dejinta hanaanka dowladeed ee dowlad-goboleedka cusub.

Muddadii uu xilka hayay ma aysan dheeraan, waxaana 14-kii Agoosto 2017 xilka ka qaaday baarlamaanka Hirshabeelle, kaddib khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhexgalay isaga iyo xildhibaannada maamulka.

Ka hor inta uusan noqon madaxweynaha Hirshabeelle, Cosoble wuxuu xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa wasiirka Waxbarashada iyo wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Sidoo kale, wuxuu xubin ka soo noqday baarlamaannadii KMG ahaa ee dalka, isagoo qeyb ka ahaa siyaasiyiintii ka shaqeynayay dib-u-dhiska hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya.

Geeridiisa ayaa soo afjartay safarkii siyaasadeed ee mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu horreeyay ee dowlad-goboleedyada dalka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments