Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuux, ayaa magaalada Montreal ee dalka Canada kaga qaybgalay Shirweynaha 7-aad ee Gaadiidka Cirka Adduunka (ATCONF(7)) iyo kulanka 43-aad ee Golaha Hay’adda Duulista Rayidka Caalamiga ah (ICAO).
Intii uu socday shirku, wasiirka ayaa kulamo gaar ah la yeeshay Xoghayaha Guud ee ICAO iyo madaxda sare ee hay’adda, kuwaas oo ay kaga wada hadleen arrimo la xiriira horumarinta iyo tayeynta waaxda duulista rayidka Soomaaliya.
Wada-hadallada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta matalaadda Soomaaliya ee hay’adda duulista rayidka caalamiga ah, diyaar-garowga dalka ee kormeerka badqabka duulista, tababarka iyo kor u qaadista aqoonta shaqaalaha, iyo horumarinta adeegyada hagista hawada.




From the comments