Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa si rasmi ah u ansixiyay heshiis ku saabsan dhismaha xarunta cusub ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga.
Ansixintan ayaa timid kaddib markii Madaxweynaha Turkiga uu saxiixay oggolaanshaha heshiiska mashruuca dhismaha Safaaradda Soomaaliya, kaas oo qayb ka ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.
Mashruucan ayaa lagu dhisayaa xarun cusub oo ay yeelan doonto Safaaradda Soomaaliya, waxaana la filayaa in dhismaheedu dhawaan ka bilowdo magaalada Ankara.




From the comments