Goobjoog

Dalalka ay Soomaaliya Ciidamadu Ka Joogaan oo intooda Badan Xulufo la ah Imaaraadka

Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa sii yeelanaysa wejiyo cusub, iyadoo ay muuqato in dalal dhowr ah oo ku yaalla Geeska Afrika iyo Bariga Afrika ay xiriir siyaasadeed, dhaqaale iyo mid amni oo dhow la leeyihiin Abu Dhabi.

Dalalka ay Soomaaliya Ciidamadu Ka Joogaan oo intooda Badan Xulufo la ah Imaaraadka

Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa sii yeelanaysa wejiyo cusub, iyadoo ay muuqato in dalal dhowr ah oo ku yaalla Geeska Afrika iyo Bariga Afrika ay xiriir siyaasadeed, dhaqaale iyo mid amni oo dhow la leeyihiin Abu Dhabi.

Dalalka Itoobiya, Kenya iyo Uganda ayaa ka mid ah waddamada xiriirka dhow la leh Imaaraadka, arrintaas oo dhalinaysa su’aalo ku saabsan sida ay u kala safan karaan haddii khilaafka Muqdisho iyo Abu Dhabi uu sii xoogaysto.

Arrintan ayaa si gaar ah u soo baxday kaddib hadal uu bartiisa X ku baahiyey Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka madaxweynaha Uganda, ahna taliyaha ciidamada difaaca dalkaas ee UPDF.

Muhoozi ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu saaxiib dhow la yahay madaxda Imaaraadka Carabta, isaga oo xusay in xiriirkoodu yahay mid aad u wanaagsan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in aan cidina afgembi karin dowladda Imaaraadka, isagoo taageerada uu siinayo ku tilmaamay mid ka imanaysa ciidamada ugu awoodda badan dunida, isaga oo ula jeeday ciidamada Uganda ee UPDF.

Hadalka Muhoozi ayaa muujinaya sida uu shakhsiyan ugu dhow yahay madaxda Imaaraadka, inkasta oo aanu keligiis caddaynayn in Uganda ay heshiis rasmi ah oo difaac wadaag ah la leedahay Imaaraadka.

Dhanka Itoobiya, xiriirka Addis Ababa iyo Abu Dhabi ayaa isna ah mid dhinacyo badan leh, gaar ahaan iskaashiga dhaqaale, amni iyo danaha istaraatiijiyadeed ee labada dal ka leeyihiin gobolka.

Itoobiya ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay fududeysay taageero la sheegay in Imaaraadku siinayo ciidamada RSF ee dagaalka kula jira militariga Suudaan.

Warbixin ay wakaaladda Reuters baahisay 10-kii Febraayo 2026 ayaa sheegtay in Itoobiya laga dhisay xero qarsoodi ah oo lagu tababaro dagaalyahanno ka tirsan RSF, iyadoo ilo xog-ogaal ah ay Reuters u sheegeen in Imaaraadku maalgeliyey dhismaha xerada, tababarayaal iyo taageero saadka ahna uu bixiyey. Imaaraadku si cad ayuu u beeniyey eedeymaha ku saabsan taageerada milatari ee RSF.

Somaliland ayaa iyaduna lagu xusay warbixino la xariira marin-u-helidda hubka iyo saadka loo waday ciidamada RSF ee Suudaan, ayadoo Xarunta cilmi-baarista ee Jarmalka ee SWP ay warbixin ay soo saartay May 2026 ku sheegtay in qalab milatari oo loogu talagalay RSF uu qayb ahaan soo mari jiray magaalada Berbera, kaddibna loo sii gudbin jiray xarun ay leeyihiin ciidamada Itoobiya.

Dhanka Kenya, dalkaasi wuxuu xiriir dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed la leeyahay Imaaraadka Carabta, inkasta oo aanay taasi si toos ah uga dhignayn inuu taageerayo dhammaan siyaasadaha Abu Dhabi ee gobolka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bishii Janaayo 2026 ku dhawaaqday inay baabi’isay heshiisyadii ay Imaaraadka kula lahayd dhinacyada dekedaha, amniga iyo difaaca, waxaana maalmo ka hor Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  uu sheegay in dalalka Gobolka qaarkood ay Imaaraadka kala shaqaynayaan faragelinta arrimaha gudaha Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in Soomaaliya ay wajahayso xaalad diblomaasiyadeed oo u baahan in si taxaddar leh loo maareeyo, maadaama dalal ay deris yihiin ama xiriir amni iyo dhaqaale la leeyihiin ay iyaguna dano kala duwan ka leeyihiin Imaaraadka.

.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments