Goobjoog

Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday hubka sharci-darrada ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar cusub oo lagu mamnuucayo haysashada iyo isticmaalka hubka sharci-darrada ah, iyadoo tallaabadan qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka, gaar ahaan caasimadda…

Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday hubka sharci-darrada ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar cusub oo lagu mamnuucayo haysashada iyo isticmaalka hubka sharci-darrada ah, iyadoo tallaabadan qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa sheegay in aan caasimadda Muqdisho loo oggolaan doonin hub sharci-darro ah, isla markaana ay dowladda ka go’an tahay in la xakameeyo hubka aan sharciga waafaqsanayn.

Wasiirka ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo amniga caasimadda, lana xaqiijiyo in hubka ay dadka wataan uu noqdo mid sharciyeysan oo ay haystaan cidda sharcigu u oggol yahay.

Amarkan cusub ayaa ku soo aadaya xilli ay dowladda Federaalka Soomaaliya waddo dadaallo lagu adkeynayo amniga Muqdisho, laguna yareynayo hubka sida sharci-darrada ah loogu dhex haysto bulshada.

Dowladdu waxay tallaabadan ku doonaysaa in la xoojiyo kala dambeynta, lana sugo badbaadada shacabka iyo hantidooda.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments