Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in maraakiibta dagaalka ee ciidanka badda dalkaasi ay sii wadaan hawlgallada galbinta iyo ilaalinta maraakiibta ka howlgala Badda Soomaaliya.
War-saxaafadeed ay wasaaraddu ku baahisay barteeda X ayay ku sheegtay in cutubyo ka tirsan Kooxda Hawlgalka Badda Soomaaliya (Somali Deniz Görev Grubu) ay ilaalinayaan markabka cilmi-baarista ee Çağrı Bey iyo maraakiibta taageerada ee Korkut, Altan iyo Sancar.
Maraakiibta Turkiga ee hawlgalkan ka qayb qaadanaya waxaa ka mid ah TCG Göksu, TCG Gelibolu, TCG Gökçeada iyo TCG Yıldırım, kuwaas oo ay wehliyaan markabka shidaalka iyo sahayda ee TCG Yüzbaşı Güngör Durmuş iyo markabka ilaalada ee TCG Bartın.




From the comments