Muqdisho, 22 Sebteembar 2026: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ka socday Dowladda Pakistan oo uu hoggaaminayay Taliyaha Difaaca Cirka, ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan ee dhinacyada difaaca iyo amniga, gaar ahaan dhismaha iyo horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, tayaynta awooddiisa iyo kobcinta tababarrada ciidanka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey wafdiga Pakistan booqashada ay ku yimaadeen Soomaaliya, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.



From the comments