Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa la xisaabtan iyo qiimeyn ku sameeyay wasiiradda Xukuumadda Dan Qaran.
Raโiisul Wasaaraha oo la hadlayay wasiiradda ayaa sheegay in la xisaabtankan looga gol leeyahay in lagu qiimeeyo shaqadii qabsoontay sanadkan iyada oo lala eegayo ballanqaadyadii wasiir kasta uu saxiixay, isaga oo xusey in haddii ay soo baxaan caqabado shaqooyinka qaar u qabsoomi waayeen la sixi doono hadafyada iyo bar-hiigsiyada ku qoran jadwalka heshiisyada wasiiradda lala galay.
La xisaabtanka iyo qiimeynta ayaa markii ugu horeysey loo adeegsaday habka dowladnimada danabaysan, iyada oo shaashad weyn laga shiday boqoleyda natiijada kasoo baxday qiimeynta wasaarad kasta, iyo waliba sida wasaaradaha kaalmaha u kala galeen.



From the comments