Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo ay qabanayso Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, kaas oo ay ka qeybgaleen boqolaal ka tirsan bulshada caasimadda, laguna soo bandhigay raasumaalka dalxiiska dalkeenna.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in fursadaha dalxiiska dalka ay yihiin kuwa aad u badan, dakhliga dalkana ku biirin karan saami, haddii la oofiyo shuruudaha la rabo, lana helo karaan aadane oo ku habboon iyo teknolajiyad casri ah iyo xirfado.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay ganacsiyada gaarka loo leeyahay iyo cid kasta oo maalgashi ku samaysay dalxiiska, gaar ahaan dhanka xeebaha oo uu qirey in fursadaha ugu waaweyn ay ku jiraan.




From the comments