Muqdisho, Sabti, 26 Sebteembar 2026:โ Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u sugeen amniga caasimadda iyo guud ahaan dalkeenna.
Munaasabaddan oo ay si wadajir ah usoo qaban-qabiyeen Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka Amniga Gudaha iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Caasimadda. Waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay taliyeyaasha ciidamadda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka , Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Raโiisul Wasaare Xamsa oo xafladda ka hor shir la qaatay taliyeyaasha iyo saraakiisha ciidamada kala duwan ee dalka ayaa dhagaystay warbixin ku saabsan amniga caasimadda, taas oo muujisay in 86.06% hoos loo dhigey falalkii amni darada Muqdisho intii u dhaxaysay 2023-2026 kadib qorshe xiriirsan oo amni.




From the comments