Goobjoog

Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug oo ka shaqeeyay helitaanka deeq waxbarasho oo ardayda loo fidiyay

Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa wada-hadal dhanka taleefanka ah la yeeshay Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, kaas oo deeq waxbarasho oo jaamacadeed ugu deeqay ardayda…

Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug oo ka shaqeeyay helitaanka deeq waxbarasho oo ardayda loo fidiyay

Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa wada-hadal dhanka taleefanka ah la yeeshay Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, kaas oo deeq waxbarasho oo jaamacadeed ugu deeqay ardayda reer Galmudug ee dhammaysatay dugsiyada sare.

Deeqdan oo uu bixinayo Jaamacadda Qabridaharre ayaa ah mid heerka koowaad ee jaamacadda (Bachelor’s Degree), waxaana loogu talagalay in ay fursad waxbarasho siiso dhallinyarada reer Galmudug ee doonaya in ay sii wataan waxbarashadooda.

Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa sheegtay in ardayda ka faa’iidaysanaysa deeqdan lagu soo xuli doono tartan furan oo hufan. Wasaaraddu waxay sidoo kale caddeysay in faahfaahinta shuruudaha, isdiiwaangelinta, goobta iyo waqtiga tartanka lagu shaacin doono ogeysiis rasmi ah.

Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa deeqdan ku maamuusay doorashada Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan.

Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa uga mahadcelisay labada hoggaamiye kaalintooda ku aaddan fursaddan waxbarasho, iyadoo sheegtay in ay wax ka tari doonto kobcinta aqoonta iyo horumarinta mustaqbalka dhallinyarada reer Galmudug.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments