MUQDISHO, 26 Oktoobar 2026 – Bangiga Adduunka ayaa sheegay in dib-u-habeynta maaliyadeed ee Soomaaliya ay suuragal ka dhigi karto abuurista in ka badan 54,500 oo shaqo macallinnimo ah, iyadoo sidoo kale kor loo qaadi karo fursadaha shaqo ee ku dhowaad 250,000 oo shaqo oo wax-soo-saar sare leh.
Bangiga Adduunka ayaa qiyaasahan ku soo bandhigay warbixintiisa dib-u-eegista maaliyadda dowladda Soomaaliya, oo lagu magacaabo Marxaladda Xigta ee Maaliyadda Dowladda, taas oo lagu faahfaahiyey faa’iidooyinka laga filayo hagaajinta maamulka dakhliga, kharashaadka dowladda iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda.
Warbixintu waxay tilmaamaysaa in haddii dib-u-habeymaha la qorsheeyay la hirgeliyo, dakhliga gudaha ee dowladda uu kordhi karo boqolkiiba lix marka loo eego wax-soo-saarka guud ee dalka, halka heerka saboolnimaduna uu hoos ugu dhici karo boqolkiiba 47 marka la gaaro sannadka 2033.
Bangiga Adduunka ayaa caddeeyay in qiyaasahani yihiin natiijooyin laga filayo hirgelinta dib-u-habeymaha, balse aysan ahayn shaqooyin hadda la abuuray ama natiijooyin la hubo.
Warbixintu waxay soo jeedinaysaa shan arrimood oo mudnaan leh, kuwaas oo kala ah kordhinta dakhliga gudaha, hagaajinta waxtarka kharashaadka dowladda, maareynta khataraha maaliyadeed iyo deynta, xoojinta isla-xisaabtanka iyo maamulka maaliyadda, iyo horumarinta nidaamka maaliyadeed ee federaalka.
Bangiga ayaa sheegay in tallaabooyinkani ay muhiim u yihiin awoodda dowladda Soomaaliya ee maalgelinta horumarka iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah, xilli ay sii yaraanayaan taageerada dhaqaale ee dibadda.
Hideki Matsunaga, oo ah maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, ayaa sheegay in faa’iidooyinka laga filayo dib-u-habeymaha ay yihiin kuwo ballaaran, isagoo xusay in muhiimaddu tahay in dakhliga gudaha la kordhiyo, kharashaadka dowladda laga helo waxtar wanaagsan, adeegyada shacabka la horumariyo, isla markaana la ilaaliyo xasilloonida maaliyadeed.
Warbixintu waxay sidoo kale muujisay in Soomaaliya ay weli wajahayo saboolnimo baahsan, baahiyo waaweyn oo ka jira kaabayaasha dhaqaalaha iyo maalgelin caafimaad iyo waxbarasho oo ka mid ah kuwa ugu hooseeya caalamka.
Bangiga Adduunka ayaa sheegay in wada-shaqeyn xooggan oo dhex marta dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo maamullada hoose ay muhiim u tahay hirgelinta qorshayaasha maaliyadeed iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Dowladda federaalka ayaa hadda ururisa qiyaastii boqolkiiba 71 dakhliga gudaha, halka dowlad-goboleedyada iyo maamullada hoose ay door muhiim ah ku leeyihiin gaarsiinta adeegyada bulshada.
Bangiga ayaa ku baaqay in la xoojiyo nidaamka wadaagga maaliyadeed ee dowladda, si loo hagaajiyo caddaaladda adeegyada, loo kordhiyo awoodda maamul ee dalka, loona horumariyo adeegyada ay shacabka helaan.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay in horumarka Soomaaliya ka sameysay dib-u-dhiska hay’adaha maaliyadeed iyo maamulka dhaqaalaha uu saldhig u noqon karo marxaladda xigta ee dib-u-habeynta.
Bangiga Adduunka ayaa sheegay in haddii la helo maaliyad dowladeed oo waarta, kharashaad hufan iyo wada-shaqeyn heerarka kala duwan ee dowladda ah, ay Soomaaliya fursad u heli karto koboc dhaqaale, shaqo-abuur iyo adeegyo bulsho oo wanaagsan.
From the comments